Xog ku saabsan raadiyaha kursiga gaariga

Raadiyaha kursiga gaariga waa adeeg kuu sahlaaya inaad hesho nooca saxda ah ee kursiga gaariga cunugaaga. Raadiyaha kursiga gaariga waxaa samaysay Trygg Trafikk oo taageero ka helaysa shirkada caymiska If.

Sidee adeeggu u shaqeeyaa?

Waxaad keliya u baahan tahay inaad geliso da’da, miisaanka iyo dheerarka cunugaaga, kadibna aalada kursiga gaariga raadisa ayaa ku siinaysa talo ku salaysan tilmaamaha, tallooyinka, iyo xeerarka hadda jira.

Raadiyaha kursiga gaariga waa adeeg madax banaan kugulamana talin doono nooc gaar ah oo ay tahay inaad iibsato, keliya nooca kursiga aad u baahan tahay ayuu kuu sheegayaa.


Raadi nooca kursiga gaariga ee ay tahay inaad soo iibsato si aad u sugto amaanka cunugaaga saaran gaariga.

Biloow adeegsiga raadiyaha kursiga gaariga