Xaqiijinta sirta xogta

Xaqiijintaan sirta xogta waxaa ku jira xog guud oo ku saabsan sida Trygg Trafikk u maamuso xogta marka aad booqato bilstolvelgeren.no..

Trygg Trafikk ma kaydin doonto, kama shaqayn doonto ama codsan doonto xog gaar ah marka qofku adeegsanaayo bilstolvelgeren.no.

Marka aad booqato bilstolvelgeren.no, Trygg Trafikk ayaa heli doonta xogta mar kasta oo aad bogga booqato. Xogtaan ayaa noqon karta macluumaadka sida:

  • Waqtiga iyo taariikhda
  • Bogaga aad eegtay (ee webseedka bilstolvelgeren.no)
  • Muddada aad ku jirtay bog kasta
  • Baroowsarka iyo nooca
  • Ciwaanka IP ga

Xogtaan waxaa loo adeegsadaa in Trygg Trafikk la siiyo tira koobka sida barta bilstolvelgeren.no loo adeegsaday - ayadoo yoolku yahay in la hormariyo adeegyada la baxsho. Macluumaadka looma sticmaalo in lagugu aqoonsado shaqsiyan.

Dookhyada aad ku doorato aalada raadinta kursiga gaariga (miisaanka, jooga iyo da’da ilmaha) waxay keliya ku jiraan aaladaada lamana kaydinaayo ama looma adeegsanaayo tirakoobyada.

Cookies (kediyaasha xogta ee ku meelgaarka ah)

Trygg Trafikk waxay adeegsataa Cookies si ay u hesho xogta tirakoobka habdhaqanka isticmaaleyaasha marka ay booqdaan bilstolvelgeren.no. Cookies-ku waa faylal yaryar oo macluumaad bixiya kuwaasoo ku jira aaladaada waxaana loo sameeyay inay sida ugu fudud uga shaqaysiiyaan adeegga. Tani waa qayb aad xiri karto aadna ka furi karto baroowsarkaaga.

← Ku laabo bogga hore