Ma iibsanaysaa mid cusub, la isticmaalay ama kiro ah?

Kursiga gaariga waxaad soo iibsan kartaa mid cusub, mid la isticmaalay ama waad soo kireysan kartaa. Hase yeeshee, waxaa jira waxyaabo aad u baahan tahay inaad isha ku hayso.

Waad inaad si taxadar leh uga fakartaa kahor intaadan ka iibsan kursiga gaariga dad aadan aqoon. Haddii aad doonayso inaad iibsato kursiga gaariga oo la isticmaalay, waxaad u baahan tahay inaad gebi ahaanba hubto in qalabku uusan shil soo gelin uusana ahayn mid duqoobay. Kursiga gaariga oo maanta la iibsado ayaa badanaa leh muddo uu shaqeeyo oo dhan 10 sano laga bilaabo waqtiga kursiga gaariga lagu bilaabo in la isticmaalo.

Muddada uu shaqayn karo ayaa ka badan karta ama ka yaraan karta 10 sano, ayadoo ku xiran nooca kursiga gaariga, maamulka iyo dildilaaca, iyo sidoo kale tayada agabka la adeegsaday ee kursiga Xaqiiji in buugga tilmaamaha uu ku jiro si aad kursiga ugu xirto qaab sax ah. Xog badan ka ogoow kuraasta gaariga, muddada ay shaqeeyaan iyo dhamaadkooda.


Kireysiga kuraasta gaariga

Kireysiga kursiga gaarigu waa xulasho wanaagsan. Shirkada caymiska ee If ayaa ku siineysa fursad aad ku kireysato qalabka kaasoo aad soo celinayso marka cunugaagu waynaado.
Xog badan ka fiiri if.no


Haddii aad doorato in aad iibsato mid cusub, mid la isticmaalay ama kiro ah,xaqiiji in kursigu ku haboon yahay ilmahaaga iyo gaarigaaga.

  • Akhri liiska kursiga gaariga ee noocyada gaariyaasha uu ku xirmi karo kuna tijaabi gaariga.
  • Raac tilmaamaha adeegsiga..
  • Xaqiiji in suunka aad si sax ah u saarto ilmaha uuna ku dhagan yahay jirkiisa.

Ma dooneysaa inaad wax badan ka ogaato sugida amaanka carruurta saaran gaariyaasha?

Booqo Tryggtrafikk.no